Galmudug oo sameysay Howlgalo lagu qaadayo Isbaarooyin yaala inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo.

Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay sameeyay Howlgalo baaritaano ah oo lagu qaadayo Isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo oo yaala inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galinsoor ee Galmudug sida ay Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.
Ciidanka ayaa qaaday Dhowr Isbaaro oo u taalay Ciidan Maleeshiyo ah kuwaas oo lacago baad ah kaga qaadi jiray dadka iyo Gaadiidka waxaana la sheegay in uu wali sii socdo Howlgalkaasi.
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Sheegay in ay soo afjari doonaan Isbaarooyinka la dhigtay inta u dhaxeysa Gaaklkacyo iyo Galinsoor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.