Waare oo sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo sugga amniga xildhibaanada

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay ka shaqeeynayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugidd, kuwaasi oo si dhaw ula socon doono Xaalada Xildhibaanada.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uu masuuliyad gaar ah iska saari doono ammaanka Xildhibaanada iyo degaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Waxa uu xusay in Dowladda Dhexe looga baahan yahay in ay ilgaar ah ku eegto Maamulka Hirshabeelle maadaama sida uu sheegay Hirshabeelle aysan la mid ahayn Maamulada kale ee dalka ka jira.

Maalin ka hor xilli habeen ah ayaa xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo waxaa xoogag ka tirsan Shabaab ay ku dileen Xildhibaan Tima-faras oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.