Thaabit oo ka hadlay dhaawacyadii dalka dibaddiisa loo qaaday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dacayaad ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalka dibadiisa la geeyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’addaha Dowladda ay kula Xisaabtamayaan dhib walbo oo ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalalka qaar la geeyay.

Waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay masuuliyad gaar ah ka saran tahay ka warqabka dadka dalka dibadiisa la geeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ee dalalka qaar ee dhaawacyada loo qaaday ka codsaday iney ka warqabaan islamarkaana ay caawiyaan dadka dhaawacyada ah ee la geeyay dalalka ay ku sugan yihiin.

Hadalka Guddoomiye Thaabid ayaa imaanaya Xilli daryeel Caafimaad iyo ka warqab wanaagsan aysan helin qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka dibadiisa gaar ahaan dhaawacyadii dowladda qadar ay geysay dalka Suudaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.