Madaxweyne Farmaajo oo si KMG ah ugu guurayo degmada Afgooye.

Guluf colaadeed iyo dhaq dhaqaaq Ciidan aan nuuciisa hore loo arag ayaa ka bilaawday magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya kaas oo looga Jawaabayo Musiibadii dhawaan ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 300 oo qof oo kala bar meydkooda la waayay.

Waxaa Heegan buuxa la giliyay Ciidanka Qalabka sida madaxda Qaranka iyo Qeybaha Bulshada kuwaas oo si mideysan uga qeyb qaadan doonaan Dagaalka la iclaamiyay ee Soomaaliya ka bilaaban doonto 21-ka Bishaan.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa Xaqiijnaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madax kale oo qaranka ka tirsan ay u guurayaan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose si halkaasi looga hago dagaalka Al-Shabaab.

Abaabul ayaa ka socda Afgooye waxaana howlgalka ugu horeeyo ee Al-Shabaab ka dhanka ah la sheegay in uu ka bilaaban doono Shabeelaha Hoose warar kale ayaa sidoo kale sheegayo in Shabeelaha dhexe sidoo kale Howlgalka ka bilaaban doono.

Al-Shabaab ayaa markaan u muuqda in aysan laheyn Niyad ay ku dagaalamaan waxayna ka quusteen intii yareed oo taageero ah oo ay ka heesteen Shacabka ku hoos nool sidoo kale waxaa meesha ka baxday Cabsidii shacabka oo qeyb ka aheyd jiritaanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha waxa uu afgooye deganaan doonaa ilaa inta ay ka dhamaato Qatarta Al-shabaab sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.