Dhagesyo:Raysawsaare Khayre oo Cilaamiyey Dagaal ka dhan ah Al-Shabab

Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqday in wixi ka danbeeya Sabtida 21 oktoobar in uu dalka geli doono xaalad dagaal, waxaana dagaalkaan horey u iclaamiyey Madaxwaynaha Soomaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bari oo Sabti ah ku dhawaaqi doono in dalka uu gali doono Xaalad Dagaaal, hortagi doonana Labada Aqal ee Baarlamaanka si uu ugu wargaliyo Xaalada uu Dalka Gali doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeero xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada uu dalka wajihi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.