Kunaan qof oo maanta isugu yimid Goobtii qaraxa Kdhacay ee Muqdisho “Sawiro”

Goobtii masiibada Kadhacday ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta Boqolaal kun oo qof ayaa waxa ay isugu yimaadeen Isgoyska sooobe oo 14-kii bishan ay ka dhacday Musiibo Qaran waxayna Alle uga Baryeen in uu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay kuwa dhaawacana caafimaad dag daga siiyo.

Shacabkii halkaasi isugu tagay ayaa Tukaday laba rakac oo Salaada janaasada ah kadibna waxay u aqriyeen Qur’aan iyo Ducooyin dadkii halkaasi lagu laayay, Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa la hadlay dadweynaha goobta yimid waxa uuna sheegay in danbi weyn ay tahay qof Muslim ah la dilo sidoo kale aysan Banaaneyn in la dilo qof kasta, waxaa kaluu sheegay Shiiqu inay wanaagsan tahay in la ilaaliyo dhiigga qofka Muslimka ah, isaga oo sidoo kale ka codsaday Culimada kale in ay masaajidyada ka hadlaan oo ay sheegaan qaladaadka laga galayo diinta Islaamka iyo dhibaatooyinka Dalka ka jira.
xamar

xamar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.