Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa Xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada cabdalcasiis ee gobalka banaadir.
Munaasibadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kahadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya
Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.
Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.