Ciidamada Xasilinta oo qabtay Gaari uu lahaa Guddoomiye lagu dilay Degmada Deyniile

Howlgal ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayey ku soo qab qabteen Tiro dad ah iyo Gaari uu lahaa Alle ha u Naxariistee Cabdi Nuunow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Koofur galbeed oo Habeen hore lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Degmada Deyniile.
Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa   warbaahinta u xaaqiyay  sheegay in Ciidanka Xasilinta Caasimadda ay qabteen Gaariga Marxuunka la dilay oo ahaa Spacio islamarkaana Habeen hore ay horay u wateen Dableydii Dishay Cabdi Nuunow oo sidoo kalena ahaa Guddoomiye Xero ay dagan yihiin Barakacayaal oo ku taalla Tabeelaha Sheekh Ibraahim.
Laamaha Ammaanka weli ma sheegin in ay Gacanta ku dhigeen iyo in kale Dadkii ka dambeeyay Dilka Marxuunka lagu Magacaabi jiray Cabdi Nuunow oo lagu dilay Habeen hore Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Duleedka Magaalada Muqdishioo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.