Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

khayre

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabad lagu Xuska Calanka Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdidsho ayaa ku soo hadal qaaday Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gudbi lahaa Daruufaha ku xeeran Dalka.
Xasan Cali Kheyrre oo Qudbada uu jeediyay  u muuqatay mid Jawaab u ah Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ku shiray Kismaayo ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin Dhaliilaha lagu duminayo Dowladnimada kuwa laga leeyahay Ujeedooyinka Gaarka ah.
“waa in aan la ogolaan Dhaliil Dalka lagu duminayo, waa in aan la ogolaan Dhaliil Ujeedo gaar ah leh, waa in aan la ogolaan Dhaliil Iftiinka Nolosha Ee Soomaaliya u soo baxay Mugdi gelin karta”ayuu yiri Kheyrre.
Dhanka kale Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in haddii Shacabka Soomaaliyeed ay Markii hore ogaayeen in markii Buuq Siyaasadeed dhaco ay Niyad Jabaan Madaxda Dowladda,balse Madaxda hadda idin horjoogta aysan aheyn ku waas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.