Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Nabadoon Sheekh Cabdi Muxumed Xayle oo Garbaharay ku geeriyooday.

tacsi

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Waxaa Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo xalay ku geeriyooday Caaqil, Nabadoon Sheekh Cabdi Muxumed Xayle oo kamid ahaa Samadoonada ugu caansan Gobolka Gedo.

Sheekha oo waayadii dambe xanuunsanayay ayey xalay tii rabbi utimid isagoo u geeriyooday xanuuno oo sariirta la saarnaa waayadii dambe.

Sheekh Cabdi Muxumed Xayle ayaa kamid ahaa Samadoonada ugu caansan gobolweynaha Gedo isagoo inta badan ka shaqeyn jiray arimaha masaalixda bulshada, waxaana sheekha lagu xasuustaa doorkii uu kulahaa daminta colaado sokeeye oo Gobolka Gedo ka dhacay mudadii burburka kadib.

Ilaahay ha unaxariistee sheekh Cabdi Muxumed Xayle ayaa ahaa caaqil afgaaban bulshada iyo dadka uu la noolaane sumcad weyn ku dhex lahaa.

Bahda Gedo Times waxay tacsida iyo tiiraanyadaba la qeybsaneysaa Bulshada iyo qaraabada uu kabaxay sheekha.

Ilaahay ha unaxariisto Sheekh cabdi Gadaashiine rabbi nama fidneeyo aamiin amiin amiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.