Dawlada soomaaliya oo sheegtay inay soo dhaweynayso cidkasta oo doonayso inay wada hadal la gasho

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Xukuumadda ay mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib u heshiisiinta iyo Amniga, isagoo ka dhawaajiyay cid kasta oo ka fikir duwan lala hadlayo.

Mr Juxa ayaa sheegay in howlaha Wasaaraddiisa wado ee dib u heshiisiinta ay sii soconeyso, isagoo qiray waxyaabaha la isku haayo ay kala gedisan yihiin, isla markaana ay kala heerar yihiin.

“Waxa la isku haayo waa kala gedisan yahay, waana kala heerar, waa jirana waxyaabo la isku haayo ama ha ahaato Kheyraad, siyaasad, Dastuur ama awoodeed, waqti bey qaadaneysa in la wada hadlo, cidii naga fikir duwan ama xabad nagu soo rideysa in lala hadlo diyaar baa lala yahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dalkaan la wada leeyahay, isla markaana wixii jira la isaga soo dhowaan doono, cid kastana ay albaabada u furan yihiin.

“Dalkaan waa la wada leeyahay, cid kasta albaabada waa u furan yahay, in miiska wada hadalka waa furan yahay”ayuu yiri Wasiir Juxa oo hadaladiisa u muuqday kuwo uu si gaar ah uga hadlayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo khilaafyada dhanka dastuurka iyo awoodaha dalka.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wajaheysa culeysyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibadaba, iyadoo dadka siyaasiyiinta ee dhaliilsan qaabka dowladdiisa wax wado ay ku eedeynayaan albaabada Madaxda ay xiran yihiin, isla markaana aaya ka talinta dalka uu gacanta u galay shaqsiyaad kooban

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.