deg deg ah: Wariyaasha oo goor-dhaw looga yeeray Xarunta uu ka socda Shirka Kismaayo

deg

Waxaa goor-dhaw Wariyaasha looga yeeray Guriga martida ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku shir sanaayeen Madaxda maamul Gobaleedyada dalka waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo wixii ay ku heshiiiyeen.

Wariyaasha ku sugan Kismaayo ayaa xiligaan xaadir ku ah goobta shirka waxayna  Gedo temis usheegeen in ay udiyaar garoobayaan in la shaaciyo Natiijada Shirkii maalmaha qaatay ee Kismaayo kaga socday madaxda Maamul Gobaleedyada Dalka.
Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maalmihii la soo dhaafay ku shirsanaa Kismaayo waxaana kulankooda ay diiradda ku saarayeen Xiisadda siyaadeed ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul gobaleedyada Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinaya Walaac ah in Shirka kismaayo uu ka soo baxo Qodobo wax u dhimi kara daganaan shiyaha Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.