Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo gaaray deegaanka Bariire.

Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dhowr jeer weerareen Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa markii uu gaaray Bariire waxa uu kulamo la qaatay saraakiil kale oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo halkaasi ku sugan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ciidankii ka qeyb galay Dagaalkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka ee bariire kaas oo ay ku dhinteen Ciidan badan.
General Cirfiid ayaa Ciidanka u sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeyba ka mid ah Soomaaliya.
Dagaalamayaash Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna ku dileen Ciidan ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.