Wafdi ku wajahan magaalada Kismaayo

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo Wafdi ka socda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland.

Wafdigaan ayaa ka qeyb gali doona Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo Siyaasadda maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in maanta Magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha Caalamka.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa lagu waday in uu maanta Furmo, laakiin Jubbaland waxa ay sheegtay inuu u baaqday Cilad Farsamo.

Shirka ayaa lagu waddaa in uu Furmo maalmaha Isniinta iyo Taaladda Midkood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.