Askar ku dhimatay shil ka dhacay South Carolina

Masuuliyiinta Militariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dhimashada laba askari iyo dhaawaca lix Kale, intii lagu jiray shil ka dhacay saldhiga ciidan oo ku yaal South Carolina, ka dib markii gaari Ciidan uu meel ku dhacay .

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Fort Jackson ayaa sheegay in labo ka mida askartii dhaawacantay ay xaaladoodu ay aad halis u tahay ,isla markaana loo qaaday isbitaalka ka baxsan halka ay joogeen.

Warbixin ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in shilkaasi aysan wali kala cadeen gaari ku lug lahaa iyo waxa sababay shilkaan.

“waxaan halkaan tacsi uga diraynaa askartii ku dhimatay sidoo kale waxaan si deg deg ah aan u rejeynnaynaa in ay soo bogsadaan askarta dhaawaca ah maxaa yeelay waxa ay u adeegayeen qarankaan sidoo kale waxaan ku dadaalaynaa in  taageerno dadka ay saamaysay waqtigaan adag.”ayuu yiri taliyaha ciidamada degaanka Fort Jackson Maj. Gen. Pete Johnson

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.