Weeraro Bam-Baanooyin ah oo xalay ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Hodan

qarax

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro loo adeegsaday Bam-Baanooyinka qarxa ku weeraray Saldhiyo ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobalka Banaadir waxaana qaarkood ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah.
Weerarka 1aad ayaa ka dhacay Xaafadda Jaamacadaha waxaana Bam lagu tuuray goob ay ciidanka ku sugnaayeen waxaana la sheegay in ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah Ciidanka Dowladda.
Ciidanka Dhaawacmay ayaa la sheegay in 2 ka mid ah oo soo gaaray dhaawacyo halis ah halka midka kalane la sheegay in uu qabo dhaawac Fudud.
Saldhigga degmada Kaaraan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu weerar Qarax Bam-ka gacanta laga tuuro mana la soo sheegeen khasaaro ka dhashay.
Ciidamada Dowlada ayaa sameeyay Baaritaano waxaana qaar kood lagu soo qab qabtay dad la’aaminsan yahay in ay Qaraxyadaasi ka danbeeyeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.