Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay askar ka goosatay Jubbaland

Al Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen Afar askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo.

Ciidamadaan Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa Afar askari oo Shabaab ay sheegeen inay muddo la soo shaqeynaayeen ciidamada Jubbaland, kadibna ay go’aansadeen ciidankaan inay ka soo baxaan dhanka Jubbaland.

Magaalada Jilib oo askartaan lagu soo bandhigay ayaa madashaasi waxaa joogay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Afarta ruux ee Shabaab ay soo bandhigeen ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Maxamed Isxaaq Nuur, Xasan Nuur Xuseen, Xasan Abeyle Xoosh,Iyo Cumar Yuusuf Muuse.

Maxamed Isaaq Nuur oo ka mid ahaa askarta la soo bandhigay ayaa sheegay markii askariga laga dhigaayay si xoog ah lagu qasbay, balse isaga uusan raali ka aheyn inuu askari noqdo.

Sidoo kale askarta kale ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Shabaab inay ku biiraan oo ay ka baxaan ciidamada Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Shabaab ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaayay askar ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Maamulkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.