Xildhibaano iyo Wasiiro Warsaxafadeed ay kaga Soo horjeedaan Axmed Madoobe ku qabanaya Doolow Maanta

dolwo

Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa maanta ku qabanaya war saxaafadeed Xildhibaano tiradooda kabadan tahay 10 iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland.

Xildhibanadaan iyo wasiiradaan ayaa maalmihii nasoo dhaafay soo gaaray degmada Doolow waxaana qilaaf soo kala dhex galay ayaga iyo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xilaafkaan soo kala dhexgalay Xildhibanada,Wasiirada iyo Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa waxuu ku salaysan yaha shirka Maamul Goboleedyada ee lagu qabanayo Magaalada Kismaayo iyo Madaxwaynaha Jubbaland oo Gacan bidixeyey Gobolka Gedo siday Sheegeen Madaxdaan gaartay Degmada Doolow.

Waxaana lafilayaa Warsaxadeedka ay qabanayaan Xildhibanadaan inay kaga hadli doonaan sababta kaliftay inay kasoo tagaan Xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland ee Kismaayo iyo eedahay ka tiraanyaan Madaxwaynaha Jubbaland.

Warkeena dambe laga socda warar dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.