Meydka Wiil badda soo tuftay oo laga helay Xeebta Degmada Kaaraan

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Meydka Wiil yar oo ay Badda soo tuftay ayaa saakay Aroortii lagu arkay Xeebta degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Wiilka ayaa la sheegay in da’diisa lagu qiyaasay 14 Sano jir .

Laamaha ammaanka Dowladda ayaa durba maydka wiilka dhalinyarada ah halkaasi ka soo qaaday, waxaana loo kaxeeyay dhanka Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyed ee CID, si halkaasi loogu diiwaangeliyo maydka.

Dhalinyarada kunool Magaalada Muqdisho ayaa inta badan u damaashaad taga Maalinta Jimcaha Badda, waxaana qaarkood la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday Waalidiinta carruurta in badda laga ilaaliyo.

Bil kahor ayay aheyd Markii sidaan oo kale wiilyar oo Meyd ah laga helay Xeebta degmada Kaaraan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.