Madaxda Maamul Gobolleedyada oo Maanta tagaya Magaalada Kismaayo

Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Maanta intooda badan tagaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland ahna Xarun Gobolleedka Jubbada Hoose.

Shalay Kismaayo waxaa gaaray Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu horkacayo,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa Xaqiijiyay in Maanta Kismaayo laga sugayo inta badan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada kala ah Puntland,Galmudug iyo Hirshabelle ayna Kismaayo tagi doonaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in Axadda Berri ah uu Kismaayo ka furi doono Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,balse waxaa la sheegay in Dowladda Federaalka ay dhaliilsan tahay shirkaasi islamarkaana ay u badan tahay in aysan taginba.

Shirka ayaa ah mid looga hadlayo Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa loona Hagaajin lahaa Xiriirka labada dhinac

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.