Daawo:DowladdaSoomaaliya ayaa sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadooda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.