xildhibaanadii galmudug waan waanta u aaday oo walaac muujiyay, kuna soo laabtay muqdisho

deg

Xildhibaanadii labada Gole ee sheegay inay dhexdhexaadinta Madaxda Sare ee Galmudug u tageen magaalada Caado ayaa gacmo ku laabtay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan oo uu hormuud u ahaa guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Bukhaari, ayna ka mid ahaayeen Mahad Maxamed Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Cabdi Qeybdiid iyo xubno kale waxay magaalada Muqdisho ka sheegeen inay isu soo dhoweeyeen madaxda sare ee Galmudug, balse markii danbe ay arrinta faraha ka baxday.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka cabanayaan Waxgaradka iyo Madaxda Galmudug sida uu yiri, waxaana ay qireen in xaaladda Cadaado aysan waxba iska bedelin marka laga reebo ciidamo ay ka saareen magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.