(DAAWO Muuqal & Sawiro):Madaxweyne farmaajo oo saxiixay xeerka isgaadhsiinta dalka.

Waxaa Goor dhaw Madaxtooyada Soomaaliya laga saxiixay Xeerka isgaarsiinta dalka oo Mudo Hor yiilay Xildhibaanada.

Dhawaan waxaa si rasmi ah u ansixiyay Xeerkaan Xildhibaanada Labada aqal waxaana Munaasabada saxiixa Madaxwaynaha soomaaliya lagu qabtay Madaxtooyada dalka.

Waxaana Goob Joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha aqalka sare, Wasiirka Isgaarsiinta Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Iyo Xubna kala duwan.

Gudoonka Labada aqal iyo Wasiirka Boostada ayaa halkaasi ka hadlay, Waxaana wasiirka Boostada uu sheegay in mudo 12 Sana ah Ka dib Xeerkaan La ansixiyay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixa ka dib Hadlay ayaa sheegay in dowladiisa Muda yar ay jirtay ay qaaday Tilaabo Muhiim ah oo ay qab ka tahay Sharcigaan in la meel mariyo.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka & sawirada:

 

https://youtu.be/wnTiMWFwvT0

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.