War Deg Deg ah:- Taliyihii Ciidanka Garoonka Magaalada Gaalkacyo oo la dilay

deg

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Gudaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Col. C/salaan Sanyare iyo Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Garoonka.

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay Askari ka mida Ciidamada Puntland ee Ilaaliya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo,waxaana Askarigaas uu Rasaas ku furay Taliyaha Dhintay iyo Ciidamo la socday,iyadoo Rasaastu ay sababtay in ay ku dhintaan Taliyihii Ciidamada Garoonka Gaalkacyo ee Maamulka Puntland iyo Askari kale,waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mida Ciidamada Puntland.

Illaa hadda lama oga Sababta keentay Dilka uu Askarigu u geystay Taliyaha iyo Askariga kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha  Gaalkacyo,waxaana la Xanibay Dhaqdhaqaaqa Garoonka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.