Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Howlgalada ka socda magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidmada amaanka ee dawladda soomaliya ay laba jibaareen hawlagalada ay kawadaan gudaha magaalada muqdisho kaasi oo ay ku shegeen inay ku baacsanayaan koox ay ku tilmaaameen in ay yihiin Argagixiso.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa laga dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidmada Hawlgalada ka sameynaayo gobalkaan Banaadir degmooyinka uu ka koo-banyahay oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen falal amaan daro ah.

Afhayeenaka ayaa intaasi sii raaciayay hadalkiisa in ciiidamdu qudhooda laga doonayo in ay u dhimriyaan shacabkooda islamarkaana uu dhex maro wada shaqeyn wacan.

Mudooyinkaan dambe ayaa cidamda amaanka ee dawladda Soomaaliya waxa ay Hawlagalo baaritaaano ah ay kawadeen 17-ka degmo ee goablkaan Banaadir kaasi oo ay ku xaqiijinayaan amniga caasimda iyo shacabka ku nool intaba.

Waxaana xusid mudan in waqtiyada qaar ay ka dhacaan muqdisho falal lid ku ah amniga islaamrkaana qataro badan dhaliayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.