Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Buur-dhuubo ee Gedo

Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo Kuwa Itoobiya ayaa weerar ku qaaday Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Buur-dhuubo ee Gobalka Gedo waxaana ka soo baxaya warar kala Duban khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Saraakiisha Ciidanka amaanka ee Jubbaland u qaabilsan Gobalka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus waxaana jira dhimasho iyo dhaawac intooda badana la gaarsiiyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wariyaha Idaacadda kulmiye ee Gobalka Gedo ayaa ku soo waramaya in dagaalka ay ka qeyb qaateen Milatariga Itoobiya ee ku sugan gobalka goobihii lagu dagaalameyna ay hadda dagan tahay waxaana ku sugan Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland.

Degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo ayaa ka mid ah degmooyinka sanadihii la soo dhaafay ka caaganeed weerada, dagaalada iyo duqeymaha markii loo eego degmooyinka kale ee gobalka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.