Wararkii ugu dambeeyey Cadaado iyo C/Qeybdiid, Mahad Salaad iyo Fiqi oo Abaabul dagaal ka wada Galmudug.

Wararka Maanta aan ka heleyno cadaado ayaa sheegaya in Xildhibaanadii sheegay in ay ku guuldaraysteen in ay Xal ka keenaan arrinta Galmudug ay hadda bilaabeen in ay Xiisad dagaal ka abuuraan Galmudug.

C/qeybdiid, Mahad Salaad iyo Fiqi ayaa Saaka Ka baxay Magaalada Cadaado iyaga oo tagay Magaalada Galinsoor oo Cadaado ka xigta dhinaca Gaalkacyo, halkaas waxa ay kula kulmeen Ciidamo ay lacago siiyeen kuwaas oo ay doonayaan in ay ku weeraraan Magaalada Cadaado iyada oo Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Xaafna uu arrintaas gadaal ka taageerayo.

Ciidankan oo wata Gaadiid Dagaal ayaa doonaya in ay si qasab ah ku galaan Cadaado si ay u cabsi galiyaan Xildhibaanada Galmudug ee Xaaf xil ka qaadista ku sameeyey.

Dhinaca kale Madaxtooyada Galmudug ee Xaaf uu afduubka ku haysto ayeysan jirin wax kulamo ah oo ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay kadib markii uu waayey cid u tagta, taas oo niyad jab ku keentay Ganacsadaha wali kusii adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa dhinacooda ka codsaday Beesha Caalamka in ay soo faragaliso afduubka uu Madaxweynihii Galmudug ku haysto Madaxtooyada Galmudug iyo hoolkii ay ku shiri lahaayeen.

Shacabka ku nool Cadaado ayaa dhinaca kale soo sheegaya in Ciidamo ka amar qaata Xaaf ay bilaabeen in xilliga habeenkii dhac ka gaystaan taas oo sii xumeynaysa Xaaladda Galmudug.

halkaan hoose ka daawo sawirada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.