Garashada Raga Cadaado Tegay W/Q Xildhiban Farax Cabdi Xasan

farax xasan

Sida ku cad qoraalkooda iyo qoraalka Baarlamaanka Galmudug waxay fure u noqdeen dhib kasta oo meeshaas ka dhacay ka dib intii ay tageen:

1-waxay lagu eedeeyey inay yihiin hal garab oo ka mid beelo 11-lagu sheegay oo GM wada dhistay.

2-waxaa lagu eedeeyey inay iyagu sabab u ahaayeen xirista gegida Diyaaradaha cadaado oo saameyn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho intaba yeelanaysa. Ogow wuxuu ahaa Airport dad gaar ahi dhisteen oo maalgeliyeen.
Waxay sidaa u yeeleen yaan talo loo dhan yahay imaan meesha iyagoo waliiba eedeyn kala dul dhacay dowladda federalka. Waa tasaruf layaab leh oo taariikhda raad ku reebaya..

3-Waxay Odaygii xaaf ahaa inay dhahaan ka noqo go’aankii iska horkeenay Maamulka GM halkay kula dhiirradeen 66 xildhibaan, Madaxweyne ku xigeen, Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo wadar ahaan noqonaya 59-Masuul inay dhahaan ka noqda go’aankiina.

4-Waxay ka xishoon waayeen eedayn ay kala dul dhaceen mas’uuliyiin la sheegay inay maalintii 5aad afduuban yihiin sida lagu sheegay qoraalka Baarlamaanka GM

5-Waxay door bideen in GM laga soo bilaabo eber sida ku cad muuqaal la soo dhigay baraha bulshada laguna eedeeyey madax afduuban.

6-Waxaa lagu eedeeyey inay waqti geliyeen isla markaasna dhaqaale badan ku bixinayaan xilka qaadis lagu sameeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka GM.

7-Waxay ku fashilmeen inay la kulmaan oo wareystaan Xildhibaanada GM oo ah kuwii gaaray go’aanka xil ka qaadista madaxweynaha.

Adigu is waafaji waxaan ahey xal raadin oo hal dhinac baan u adeegayaa anigoo awalba hal dhinac ahaa madax afduuban
Waxaan ku eedaynayaa inay talo diideen.

“Rabi talo ku filan ilaahow GM badbaadi”

W/Q Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.