Maqal iyo Muuqaal:Gudoomiyaha Gobolka baandir oo ku qasbay magdhow ay Aimsom kabixiso dad shacaba oo gari kujiirsiiyeen Muqdisho

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay dad shacdaba oo ay Kiilomatir gaari ku jiirsiiyeen qasaarana ugaysteen gaarigii ay saarnaayeen shacabkaas.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Waxaan maanta oo Jimca ah xafiiska ku qaabilnay wafdi ka socday AMISOM iyo Safiirka Uganda ee Soomaaliya u fadhiya. Waxaana ka soo baxay qodobadan:

1. In raalin gelin buuxda ay ka bixiyaan falkii dhacay 26 September ee isgoyska KM4.

2. In isla xisaabtankii la fuliyay oo darawalkii iyo taliyihii kolonyada AMISOM labaduba la xabisay oo ay xiranyihiin.

3. In marka uu baaritaanka soo dhamaado magdhaw la siiyo muwaadiniintii dhibka loo geystay.

4. In guddi farsamo aan u saarno soo diyaarinta qorshe dhameystiran ee shillalka soo noqnoqday iyo sidii loola tacaali lahaa iyo sidookale wada-shaqeynta guud.

Ciidamada Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ay gaystaan dhibaatooyin soo gaara Shacabka Soomaaliyeed sida in ay Gawaaridoodu jiiraan dad rayid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.