Xaaf oo Cadaado ka mamnuucay Diyaaradaha ka soo baxa Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray Garoonka magaalada cadaado kaga mamnuucay Diyaaraha ka soo baxa magaalada muqdisho markii laga reebo kuwa AMISOM iyo Diyaaradaha samafalk.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ayaa looga mamnuucay ilaa amar dambe duulimaadka Muqdisho iyo Cadaado lamana sheegin Sababta keentay arintaasi.

Go’aan kaan ayaa ku soo beegayaa iyadoo maanta la filiyay in ay muqdisho ka baxaan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay taageersan yihiin Xil ka qaadiatii Madaxweyne Xaaf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.