Wasaarada Amniga & Taliska Booliska oo soo bandhigay Rag warqado digniin ah ku daadiyay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ,Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo  Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa maanta soo bandhigay Dhalinyaro ay sheegeen in ay dhawaan Warqado digniin ah ku daadiyeen Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho Warqadahaas oo Cabsi giliyay Shacabka Gobalka Banaadir.

Wasiirka amniga iyo Taliska Booliska Gobalka ayaa sheegay in ragaan Xarumo Daabacaad ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu sameeyo warqado Shacabka lagu Cabsi giliyo sidoo kalane lagu daabaco warqado kale oo been abuur ah.

Dadk la soo Bandhigay waxaa ku jira Nin dhalinyar ah oo ay Shacabka Muqdisho aad u yaqaanaan kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Maxamed loona yaqaano Idaacadda Wareegto.

Maxamed Nuur Maxamed oo loo yaqaano Idaacadda Wareegto ayaa Muqdisho ku wareejin jiray Warqado lagu qoray dhacdooyinka la yaabka ah ee Dunida ka dhaca sidoo kale Waxa uu wareejin jiray Warqado Ogeysiis ah oo ay u dhiibtaan Shirkadaha Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada isagoo ku badalan jiray lacag aan badneen Shaqadaasi.

Ninkaan dhalinyarka ah ee ka midka noqday dadka la soo bandhigay ayaa sidoo kale Caan ku ahaa Matalaadda Codka dadka caanka sida Wariyaasha iyo siyaasiinta waxa uuna shaqadaan ku jiray wax ka badan 10 Sano sida ay noo sheegeen Qaar ka mid ah dadka yaqaana.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale soo bandhigay Qalab u badan Computers iyo Qalabka wax lagu daabaco, Dhawaan  ayay aheyd markii Xaafado ka mid ah Magaalada muqdisho lagu daadiyay Warqado Shacabka looga digaayo in ay la shaqeeyaan Dowladda iyo in ay Shaqo u raadsadaan Mashruuca lagu shaqaaleysiinayo dhalinyarada 1,000-ka  ah waxaana Warqadahaasi ku qornaa in la dili doono qofka ka waantoobi waayo.

Talaabadaan ayaa loo arkaa mid baajin doonto walaac ay qabeen Dhalinyarada Shaqo la’aanta daashatay ee rajada ka qaba in ay ka mid noqdaan Mashruuca Shaqaaleysiinta 1,000-ka dhalinayaro ee Gobalka Banaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.