madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxwaynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dalka dib Ugu soo laabtay ka dib safar laba Cisha ah oo ku aaday Dalka Sacuudiga.

Soo laabashada Madaxwaynaha ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyay Xubna ka tirsan Dowlada soomaaliya oo ay ka mid yihiin Saraakiil Ciidan.

Farmaajo ayaa Mudadii uu ku sugnaa Dalka Sacuudiga la kulmay Madax ka Tirsan Sacuudiga uu ka mid yahay Boqorka wadanka Sacuudiga, dhaxal sugaha iyo wasiirka arimaha dibada sacuudiga.

Ma jirto wax faah faahin ah uu bixiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan Safarka uu ku tegay Dalka sacuudiga.

Hasa yeeshee imaantiga Madaxwaynaha ayaa yimid xili Qalalaase siyaasadeed ay ka jiraan Magaalada Cadaado ee Galmudug, waxaana Madaxwaynuhu inta uu maqnaa xilka laga qaaday Madaxwaynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf, Taas oo keentay in qalalaaso ay ka dhacaan Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.