Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Cabashada Maamul Gobaleedyada.

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku laheyn jahwareerka Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Maamulada kale ee Dalka ka jira isagoo eedeen kulul usoo jeediyay Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Wasiir Garaad ayaa sheegay in Dowlad Gobaleedyadu ay ku xadgudbeen Dastuurka balse aysan Dowladda Soomaaliya waxbo u dhimin xiisada ka dhax taagan Galmudug iyo kuwa kalaba ay tahay arimo dhaxdooda ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Qaladaadka ay galeen Maamul Gobaleedyada ay DFS Shacabka la wadaagi doonto go’ aanada ay qaateyna aysan waxbo u dhimi doonin Madaxbanaanid Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.