Guddomiyaha Baarlamaanka oo ka duulay Muqdisho

Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Guddoomiye (Jawaari) ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa ku sii sagootiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Ciidaniyo xubno kale, waxaana horay u sii raacay xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka.

Xubno ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay ujeedka safarkan in uu yahay mataaneynta Golayaasha Shacabka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka dalka Masar.

Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Buux ayaa sheegay marka uu tagao Masar Guddoomiye (Jawaari) in Kulamo kala duwan uu la soo qaadan doono Madaxda dalka Masar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.