Xildhibanadii Gaaray Caadaado oo Fashil ku Yimid Kadib markii la ogaaday inay yihiin Ururka Daljir iyo Damjadiid

galmudg

Xarunta Ku meel Gaarka ah ee maamulka Galmudug ee Cadaado waxaa Saakay Gaaray qaar kamida Labada Aqal ee Dowlada Soomaliya ee Laga soo Doortay magaalada Cadaado iyaga oo ula Jeed koodu ahaa sidii Xaaf ay u taageeri lahayeen, Wafdiga xildhibaanada ayaa Lakulmay Xaaf iyo madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamanka waxeyna ku Guuldareysten in Ay ku qanciyan madaxweyne kuxigenka iyo gudoomiyaha Barlamaanka in Xal Laga gaaro si wada hadal ah qilaafka kadhex jira madax da Galmudug islamarkana xildhibanada xilka kaqaday madaxweyne xaaf Ay kanoqdaan.

Xildhibaanadii gaaray Cadaado ayaa waxaan la socon xildhibano badan oo kaimda kuwa laga soo doortay Galmudug waana tan keentay in xildhibaandaan Cadaaddo gaaray ay xal gaari waayaan ayakoo loo sheegay inay yihiin urur una yimid Cadaado sidii ay xaaf utaageeri lahayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.