Maalinta Dalxiisa Aduunka Oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay {SAWIRO}

Magaalada Muqdisho Maanta waxaa Lagu qabtay Barnaamij Ku saabsan Maalinta Dalxiiska aduunka iyadoona ay ka qayb galeen Madax ka Tirsan Dowlada soomaaliya.

Barnaamijkaan oo Ku saabsan Dalxiiska aduunka ayaa waxaa Lagu qabtay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay, Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Caafimaadka Wasiir Ku xigeenka Gargaarka, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Barnaamijkaan oo ku saabsanaa Dalxiiska ayaa waxaa Diiradaa Lagu saaray Arima ay ka mid yihiin  Dalxiiska Soomaaliya in ay Hormuud unoqoto Magaalada Muqdisho.

Taabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in Muqdisho ay u Horayso Magaalooyinka kale ee Dalka oo ay Noqoto Goob loo soo Dalxiis Tago.

Sidoo kale Xubnihii Madaxda ahaa iyo Kuwa kale ee Halkaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay in la isaga kaashato Howlaha ku aadan dhanka dalxiiska.

Waa Markii Ugu Horaysay ee Dalka lagu qabto Barnaamij Nuucaan oo kali ah kaas oo ku saabsan dhanka dalkiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.