xildhibaano ka tirsan labada gole oo kulan la qaatay xaaf

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha shacabka oo Cadaado u tagay dhex dhexaadinta Madaxda Galmudug ayaa xilligan kulan albaabada u xiran yihiin la leh Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Xildhibaanadan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, ayna ka mid yihiin Xildhibaano tobaneeyo gaaraya ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si ay u xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay kulamo gaar gaar la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan, ayna ka dhageysan doonaan tabashadooda iyo waxa ay qabaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka mid ah wafdigan oo kala ah Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Fiqi ayaa barahooda Facebook ku soo qoray inay Cadaado u aadeen xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday, isagoo xusay in toban xildhibaan oo meel isugu timid aanay xilka ka qaadi karin, isla markaana dastuurka Galmudug uu dhigayo in muddo lix bilood mooshin laga keeni karin Madaxweynaha, maadaama uu isaga xafiiska joogo kaliya 4 bilood.

Si kastaba ha ahaatee xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa salka ku heysa khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeeshay siyaasada Soomaaliya, isla markaana maamulada dalka ka jira ay qaarkood taageeraan Isbaheysiga Sacuudiga, kana hor-yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ee dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.