War deg deg ah-: Koox hubeysan oo goor-dhaw Labo Qof ku dilay degmada Xamar-weyne.

deg

Ugu yaraan Labo qof ayaa ku dhintay hal qof oo kalane waa  ku dhaawacmay kadib markii Koox hubeysan ay rasaas ku furtay Gaari ay Leedahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe kaas oo marayay degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa Geestay Koox Wadatay Gaari kuwaas oo hor dhigtay Gaarigii ay saarnaayeen dadkii la dilay kadibna rasaas fara-badan ku riday dadkii saarnaa, waxaana dadka dhintay ay kala ahaayeen Qof dumar ah oo ka tirsan Ururka Haweenka iyo Wiilka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed sidoo kalane u ahaa Darawalkeeda.

Saraakiisha amaanka ee degmada Xamar-weyne ayaa xaqiijiyay in ay dhinteen Canab C/laahi Xaashi  oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Maxamed Jaamac   oo ahaa Wiilka Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe sidoo kalane ahaa Darawalka Gaarigeeda waxaana ku dhawaacamay Wiil kale oo goobta ku sugnaa.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday degmada sida ay Sheegeen dadkii ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay oo ah Via Rooma kana tirsan degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana halkaasi ay ka joojiyeen isku socodka Gaadiidka iyo dadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.