Xaaf ayaa sheegay inuu madaxwaynaha galmudug yahay

xaaf

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Xildhibano ka Tirsan baarlamaanka Galmudug ay shegeen in xilkii ka qaadeen ayaa ka soo horjeestay Xil ka qaadista isagoona Sheegay in arintaas ay tahay mid been abuur ah islmarkana ay wadaan sida uu hadalka u dhigay Dad ka soo horjeeda jiritaanka Galmudug.

Xaaf ayaa dhinac kale Sheegay in Maalinta berito ah ay Cadaado Gaari doonan xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka kuwaasi oo cadaado u tagi doona dhax dhaxaadinta Madaxda ugu sareysa Galmudug kuwasi oo mudooyinkii Dambe uu ka dhax taagnaa qilaaf siyaasadeed.

Xaaf Ayaa ugu dambeyntii wax kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug kaasi oo ah in uu cadaado ku yahay Xabsi Guri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.