Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buulo gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamado Ajaanib ah iyo Xoogaga Shabaab inuu halkaasi ka dhacay.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Magaalada Kismaayo iyo ciidanka Kenya oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerareen deegaanka Buulo gaduud oo maanta barqadii ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay.

Al Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku soo qortay gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo Warkaasi xaqiijinaya.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaqdhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.

Deegaanka Buulo gaduud, Bishan gudaheeda waxaa ka dhacay weerar Shabaab ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Jubbaland, halkaasi oo ay ku dileen ciidan badan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.