(Faallo) Dowlada FS Waa inay Codsadaan inlaga badalo Gebraha Carabta W/Q C/qaadir Jiijeele

safiir

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan kula talin lahaa in ay Codsadaan inlaga badalo Gebraha carabta oo ah safiirka dawlada Emirates-ka u Fadhiya soomaaliya AMB Maxamed Cismaan Sababtoo ah waxuu dhuuxa ka galay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed .

waxuuna dawlad goboleedyada ku leeyahay awood aanay ku lahayn dawlada Federaalka ah ee Soomaliya hadii ninkaan oo ku raagay safiirnimada Soomaaliya uu sii joogo ha ogaato dawlada FS in aanay marna iyaga iyo dawladgoboleedyada soomaaliyeed Isla jaanqaadi doonin.

Tafaraaruquna halkiisa kasii taagnaaan doono, Safiir in laga badalo dawladii uu fadhiyey Si Hoose wey u codsan kartaa sharciyan hadii uu dhex galo dalkii safiirka uu ka ahaa oo wada shaqayn la,ani ay dhacdo.

Dawladii hore ee madaxweyne xassan shiikh ninkaani sanadkii ugu dambeeyey caqabad ayuu ku ahaa isagoo Siyaasiyiin kale durbaanka u garaacay si ay madaxweyne u noqdaan.
Tan hada jirtana maadaama aanu madaxweynuhu noqon Siyaasiyiintii uu u durbaan tumayey jilaafo iyo lugooyo ayuu ku bilaabay-Gebraha carabta ee Soomaaliya fadhiya hadaan la badalin waxaad ogaataan in Sidii rati macsaro Shiidaya aad soomaaliyeey Iska daba wareegi doontaan..

W/Q C/qaadir Jiijeele

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.