Dhagesyo:Madaxwaynaha Hirshabeele Dowladaa iska leh Heshiisyada Caalamiga ah waana in Looga Dambeeyaa Dastuurkaa Dalka Qoraaya

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xiisadda ka taagan Wadamada Khaliijka taas oo saameysay Siyaadda gudaha ee Soomaaliya kadib markii maamul Gobaleedyada qaateen go’aano ka soo horjeeda kii Dowladda dhexe ka qaadatay Arimaha Carabta.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in la dhawro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.