ROOBAB MA HIIGAAN AH OO MAANTA KA DA”AY BELEDWAYNE, XILI HALKAAS UU KA SOCDO SHIRAR AY LEE YIHIIN MADAXWAYNAHA IYO BULSHADA {SAWIRO}

Magaalada Beledwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta Ka da.ay Roobab lagu diirsaday.

Roobabka ayaa si wayn uga da”ay Magaalada Beledwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoo lagu guda jiro soo dhaweenta Madaxwaynaha Hirshabeelle.

Roobabka ayaa si wayn biya u dhigay Wadooyinka Waa wayn ee Beledwayne, Waxaana dhinaca kale beledwayne Ka soconaya Shirarka uu Madaxwayne Waare la leeyahay Madaxda Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, iyo odayaasha dhaqanka Gobalka oo ay wehlinayaan Qaar ka mif ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ayuu la kulmay Madaxwayne Waare.

Xaalada Amniga Beledwayne ayaa maanta si wayn loo adkeeyay waxaana la buux dhaafiyay Ciidamo Fara badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.