Dhageyso:Madaxdii Galmudug oo ka hortimid Madaxwayne Xaaf oo kusugan Imaaraadka, taageertayna Mowqifkii Dowlada Dhexe ee Soomaliya

Waxaa Xarunta Kumeelgaarka ah ee maamulka Galmudg shir jaraa’id ku qabtay , Kusimaha Madaxweynaha Galmudug ahna Madaxweyne ku Xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad Maxamed Sheekh Axmed, WAXwaxayna ku gacan sayreen go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Galmudug ee uu ku taageeray isbahaysiga Sucuudiga.

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.

war saxaafaeed ay si wadajir ah uqbateen ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.