madaxweynaha maamulka hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada b/weyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa manta Si Diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Hiiraan Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Iyo kuwa AMISOM

Gudaha maagalada Baladweyn ayaa kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan masuuliyiinta Maamulka Hir Gobol Iyo Heer Degno iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Madaxweyne waare ayaa marka Hore u mahad ciliyey Dhamaan Dadkii ka qeeyb qaatay soo dhaweeyntiisa waxa uuna shacabka ka dalbaday in lala shaqeeyo Maamulkiisa si mar dhow loo Gaaro guul la taaban karo.

madaxweynaha ayaa sheegey in mamaulkiisa uu ku dadaale doono Hor marinta Deeanada Hirshabeelle waxa uuna tilmaamay in Muhiim ay tahay in shacabka dagan Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan  Dowladnimada .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.