Muwaadin Difaaco Qaranimadaada! W/Q Xildhibaan Farax Cabdi Xasan

farax xasan

Waa nasiib darro in qaranimada wali duullaan lagu yahay iyadoo hadda dadku ku baraarugeen lugooyda socota.
Maamulada gobolada waxay garan la’yihiin mas’uuliyada ay leeyihiin nooca ay tahay. Waxaan aragnaa mar kasta maamul goboleed ka hadlaya siyaasadda Arrimaha Dibadda.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda waa mas’uuliyad qaran oo ay leedahay Dowladda Federalka ah. Qod.54 aad ee Dastuurka JFS wuxuu caddeynayaa sida loo kala leeyahay awoodda siyaasiga ah ee dalka.. waa ku caddahay inay tahay howl dowladda federalka ah u taal.

Dadka Soomaaliyeed waxay dareemi la’yihiin in waxa loo socdaa tahay in aan dalkaani madaxbannaani siyaasadeed iyo dowlad shaqeysa yeelan.
Muwaadin dareen u yeelo muddo yar gudaheed waxaa lagu furay oo dowladda caqabad looga dhigay arrimaha soo socda:

1-Arrinta Khaliijka: waxay dowladdu ka qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah. Wuxuu ahaa go’aan sax ah marka laga eego dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo Islaamnimada.
Markiiba rag siyaasiin ah ayaa qeylo yeeray waliiba sheegay inaysan aqbaleyn in loo hiillin waayo KSA & UAE. Sidoo kale UAE waxay u bareertay inay faragelin qaawan ku sameyso dalka iyadoo dhiirigelisay kala go’a dalka iyagoo sheegtay inay SL toos ula dhaqmi doonaan kuna dhiirrigeliyey inay go’itaankeeda ku adkeysato. Sidoo kale xukumayaasha maamul goboleedyada ayey culeys badan saareen oo dhaqaale iyo faragelin siyaasadeed ku sameeyaan.

2-Dhacdadii Bariirre: qaabka iyo cidduu ku dhacay midna ma rabo inaan ka hadlo laakiin in la siyaasadeeyo oo qabiilooyin la abaabulay nabadgelyada dalka khalkhal lagu geliyo iyadoo danta laga leeyahay tahay:
-khalkhal gelinta Nabadgelyada iyo fashilinta dedaalka dowladda oo ay danley siyaasadeed wadeen iyo
-in lagu abuuro cadaadis beelaysan oo lala xiriirinayo dilkii Allah ha u naxariistee Xildhibaan wasiir Abbaas Siraaji. 8Arrinta Bariirre waxay si dhab caqabad ugu noqotay howlihii dowliga ahaa ee socday.

3-Hirshabeelle: waxay aheyd arrin bilowgeedu ka horreeyey dowladda hadda jirta salkana ku haysay tabashooyin siyaasiin iyo kalsooni xumi la xiriirtay qaabkii boobsiiska aheyd ee markii horeba loo dhisay. Markii ay soo shaac baxday waxaa markiiba la isku dayey in lalal xiriiryo dowladda iyadoo lagu beensheegay in dowladdu ka lug laheyd laakiin xaqiiqdu sidaa maaheyn.

4-Qalbidhagax: waxay aheyd wax ay indhaha dadka wax garan karaa arkayeen siday uga hadleen danleyda siyaasadda oo iyagu ka rabay kaliya inay dowladda ku fashiliyaan laakiin dhab ahaan ahaaba kuwii saxiixay heshiisyada dowladda ku cadaadiyey inay qaaddo tallaabadaan. Nasiib wanaag dadku waa ku fahmeen.

5-Hadda ayaa mar kale dib loo soo celiyey arrinta khaliijka oo iyaga dhexdooda kaba dhammaneysa maadaama Saudi iyo Qatar wada hadal u bilowday. Dadka intaan oo dhibaato ah gadaal taagan waa kooban yihiin laakiin dowlado ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in Soomaaliya sidaan loo dhibaateeyo loona adeegsado dad Soomaali ah oo aan qaranimada dan ka laheyn.
Hadaba Muwaadinka Soomaaliyeed maxa kala gudboon:
-Adeegayaasha Shisheeyaha iyo danleyda siyaasada rakhiiska ah ee maalin kasta ka hor imaanaya dowladnimada?
-Ragga horjooga maamulada gobolada oo iyagoo awoodi waayey howshii u taallay dowladda dhexe ku dheggan lugaha una adeegaya dano shisheeye?
Ogow Muwaadin ninka xukuma maamul goboleedkaaga ma joogo magaalo madaxdii maamulka, mana jirto shaqo weyn oo uu qabto marka la eego howsha u taal.
Ogow dan kale lagama laha howshaan oo aan ka aheyn jahawareerin dadka Soomaaliyeed iyo fashilin dowladnimada muuqata.
-Maxaa kaala gudboon ilaalinta madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimo?
-ma iska fiirsanaa intay ka guuleysanayaan Shisheeye kalkaal iyo danley siyaasaadeed?
-ma jiraa aan dadka tirada yar kaga badbaadsan karno qaranimada?
Guuleysta dadkeygow
Qoraalkaan Xildhibaan Farax Cabdi xasan ayaa Bartiisa Facebooga Soo dhigay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.