Al-shabaab oo la sheegay in ay isku balaariyeen Degaanno ka tirsan Gobolada Dhexe

Wararka ka imaanaya Degaanada Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in Degaanno hoosyimaada Magaalada Guriceel ay isku Fidiyeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Degaanada ay Shabaabku isku Fidiyeen waxaa la sheegay in ay ka mid yiiin dhagaxyaale iyo  war-dhuumale,kuwaas oo Hoostaga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Ahlusunna C/llaahi Gureey oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka Warhayaan Isbalaarinta Al-shabaab islamarkaana ay ka hortagi doonaan Qorsheyaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Maamula Degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Dhexe ee Ahlusunna,waxaana Ahlusunna ay dhowr jeer sheegtay in ay la dagaalameyso Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.