Kulan uu Maanta Hogaan ku Dooran lahaa Guddigii loo xilsaaray Kiiska C/kariin Qalbi-dhagax oo dib u dhacay

dhagax

Warar uu helayo gedo times ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid kulan ay Maanta Hogaan ku dooran lahaayeen  Guddigii loo xilsaaray Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay ku Wareejisay Itoobiya.

Xubin ka tirsan Guddiga loo Xilsaaray Kiiska Qalbi-dhagax ayaa Xaqiijiyay in Kulankii Maanta uu dib u dhacay,waxaana Kulanka Maanta oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeelan lahaayeen Guddiga oo ka Kooban 15 Xubnood lagu waday in ay ku Doortaan Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 18-kii Bishaan ku Amray Guddiga loo Xilsaaray Arrinta Qalbi-dhagax in ay 21-ka Bisha oo Maanta ku beegan ay yeeshaan Kulankooda ugu horeeya.

Guddiga ayaa sidoo kale Warbixinta ay soo helaan waxaa laga sugayaa in ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u soo gudbiyaan 10-ka Bisha October ee soo socota

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.