Dowladii Hore Xasan Shiiq Xayiraadii ay saartay Maamulka Gobolada dhexe oo laqadaay iyo Wafti kasocda UN oo Gaaray dhusamareeb

un

Magaalada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobey sida WfP iyo UNiCef, Waxaana garoonka Diyaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Gobolada dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga ayaa kulan gaar ah ay la qaateen madaxda Ahlu Sunna Waljamaaca kaasi oo looga hadlaayey arrimaha abaaraha iyo Caafimaadka, Gobolka Galgaduud ayaa weli waxaa ka jira dhibaatooyin dhinaca nolosha ah iyo Caafimaadka.

Dowladii Hore ee uu Hogaaminaayeye Madaxwayne Xasan Shiiq ayaa ka hor istaagtay degaanada ay ka taliyaan maamulka Ahlu Sunna inay ka hawl galaan Hay’adaha samafalka, Xiriirka udhaxeeya Dowlada hada jirta iyo Maamulka Gobolada dhexe ayaa wanaagsan iyadoo madaxwaynaha Maamulka Gobolada Dhexe Shiiq Shaakir uu ka qayb galay Caleema saarkii Madaxwaynaha Soomaliaya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.