Dhageyso:Digniino Loo Direy Xildhibaanada Safaradda u Raaca Madaxda Qaranka

jawaari

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa digniin u jeediyay Xildhibaanada Safar dibadda ah u raacay Madaxda Soomaaliya, Prof Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan Islamarkaana aysan dhicin in ay mar danbe baxaan Fasax la’aan.

Jawaari ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliyaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dhowr-ka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Hadalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Xildhibaano badan kuwaas oo qaarkood raacay Ra’iisal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya.

Hoos kadhageyso Gudoomiye kuxigeenka Barlamanka Soomaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey Gudoomiye oo Sharaxaya digniinta loo diray Xildhibaanada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.